Diyaarad Dagaal oo Ku Burburtay gobolka North Carolina.

Wednesday May 22, 2019 - 15:08:03 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarad Dagaal oo Ku Burburtay gobolka North Carolina.

    Diyaarad kuwa melleteriga ah ayaa ku burburtay meel u dhow xero Malatari oo ay leeyihiin Ciidamada Mariniska Mareykanka oo ku taalla gobalka North Carolina ee dalka Mareykanka .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaarad kuwa melleteriga ah ayaa ku burburtay meel u dhow xero Malatari oo ay leeyihiin Ciidamada Mariniska Mareykanka oo ku taalla gobalka North Carolina ee dalka Mareykanka .


Shilkaani oo dhacay galabnimadii Isniinta ee todobaadkani ayaa lagu soo waramayaa in uusan geysan wax khasaaro ah marka laga reebo burbur soo gaaray diyaarada shilka gashay.

Bayaan ka soo baxay Ciidamada Miriniska Mareykanka qeybtooda diyaaradaha ayaa lagu sheegay in duuliyihii ka xeenayay diyaaradaasi uu ka badbaaday shilkaasi ka dib markii uu ku booday baalshuud.

waxay sheegeen in duuliyaha diyaaradda uu qaaday shook ku aaddan shilka ay gashay diyaarada islamarkaana la geeyay Cisbitaal ku yaalla dhanka Bari ee gobalka North Carolina si loo eego xaaladiisa Caafimaad.


Sargaal u hadlay maamulka gobalka North Carolina ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ay ku hayaan sababaha keenay burburka diyaarada Melleteri ee uu Mareykanku leeyahay .

Sawiro laga soo qaaday diyaarada shilka gashay ayaa Muujinayay  holac iyo burbur xooggan oo soo gaaray diyaarada shilka gashay.

Dhawaan ayay aheyd markii 5 Ruux oo dalxiidayaal ah oo ay ku jireen Mareykan ay ku dhinteen kadib markii ay burburtay diyaarad ay la socdeyn dadkaasi oo maraysay Badda dalka Hunduraas.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii diyaarad nuuceyda ahaa F-16 ay ku burburtay gobalka California  ee dalka Mareykanka, iyadoona shilkaasi ay ku dhaawacmeen ilaa 11 Ruux oo ka mid ahaa Rakaabkii saarnaa Diyaarada .

Related Items