Akhriso: Magacyada Qaar kamid ah Madaxdii dowladda ee dhimashada iyo dhaawaca ku noqday Weerarkii Muqdisho.

Wednesday May 22, 2019 - 22:11:57 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso: Magacyada Qaar kamid ah Madaxdii dowladda ee dhimashada iyo dhaawaca ku noqday Weerarkii Muqdisho.

    Saacadba saacadda ka dambeysa waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerar naf hurnimo oo maanta ka dhacay nawaaxiga madaxtooyada Villa Somalia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saacadba saacadda ka dambeysa waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerar naf hurnimo oo maanta ka dhacay nawaaxiga madaxtooyada Villa Somalia. xog hordhac ah oo lahelay ayaa muujinaysa magacyada qaar kamid ah mas'uuliyiintii dowladda ee dhimashada iyo dhaawaca ku noqday qaraxii maanta.
 
Hoos ka akhri Magacyada mas'uuliyiintii dhintay iyo kuwii dhaawacmay.

Xildhibaan Ahmed Ismaaciil Shabeel waxaa gaaray daawac
Xildhibaanad Seynab Maxamed Caamir waxaa gaaray dhaawac
Xildhibaanad Maryan Cariif waxaa gaaray dhaawac

dhammaan istaafka xildhibaannada waxay noqdeen kuwa dhintay iyo kuwa dhaawacmay
5kamid ah istaafka xidhibaanad Maryan Cariif Cariif ayaa goobta ku dhintay
Wasiirkii hore ee Arrimada Dibadda Xuseen Ceelaabe Faahiye waa dhintay


Agaasimaha Wasaaradda Beeraha Fanax waa dhintay
Yuusuf dheere Sargaal Nabadsugida ah waa dhintay
Tabane Agaasimha Wasaarada Qorsheynta waa dhintay
Faadumo Cali Raage oo aheyd sarkaalad sare waa ku dhimtay
Bashiir Geeseey wuxuu ahaa sarkaal sedax xidigle ah oo katirsan ciidanka Bangaraafta.

Wararka ayaa intaas ku daraya  in Gaari Cabdibile oo meesha marayay  aysan waxba ka badbaadin oo ay dhinteen dhammaan ciidamadii la socday, sidoo kale mas'uuliyiintii ku dhintay qaraxii maanta waxaa kamid ahaa agaasimihii wasaaradda Awqaafta.

isku geyn gaadiidkii ku gubtay qaraxii maanta ayaa lagu sheegay 5 gaari oo ay la socdeen askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka Soomaaliya waana weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca xayndaabka dowladda tan iyo bilashada busha Barakeysan ee Ramadaan.

Related Items