Dowladda Itoobiya oo soo saartay Khariirad muujinaysa in ay qabsatay Soomaaliya.

Sunday May 26, 2019 - 11:40:43 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Itoobiya oo soo saartay Khariirad muujinaysa in ay qabsatay Soomaaliya.

    Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa soo saartay Khariirad muujinaysa in aysan aqoonsaneyn wax ladhaho dalka Soomaaliya taas bedelkeedna ay dal madax banaan u ictiraafsantahay maamulka Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa soo saartay Khariirad muujinaysa in aysan aqoonsaneyn wax ladhaho dalka Soomaaliya taas bedelkeedna ay dal madax banaan u ictiraafsantahay maamulka Somaliland.



Bogga rasmiga ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa lagu baahiyay Khariiradda Afrika oo maamul ahaan laga saaray dalka Soomaaliya waxayna Itoobiya Soomaaliya ku darsatay dalkeeda.


Khariiradda oo lagu xusay dhammaan wadamada qaaradda Afrika ayaa laga reebay Soomaaliya oo sida muuqata Itoobiya ay u heysato in uu kamid yahay dhulkeeda, dowladda Itoobiya waxay dowlad madax bananaan u aqoonsatay maamulka isku magacaabay Somaliland ee kajira magaalada Hargeysa sida ku cad Map-kan cusub.




Saacado baraha bulshada [Social Media] laysla dhax qaadayay kadib warka kasoo baxay dowladda Itoobiya ayay ugu dambeyn wasaaradda arrimaha dibadda Addis Ababa waxay go’aansatay in ay tirto khariiradda waxayna ku bedeshay calanka Itoobiya.


Dowladda Itoobiya ayaa cadaawad fogaatay uqabta shacabka Soomaaliyeed waxayna doonaysaa in ay wada qabsato dhammaan gayiga Soomaaliya, sanaddii 2014 ayay Q,Midoobay ciidamada Xabashida Itoobiya ee duullaanka ku jooga dalka sharciyad usiisay in ay sii wadi karaan duullaankooda iyagoo huwan gaashita AMISOM.

Sanaddii 2018 Abiy Axmed oo ah R/wasaaraha Itoobiya ayaa Farmaajo ka saxiixay in dalka Soomaaliya lala midaynayo Itoobiya iyo Eritrea iyadoo lagu marmarsiyoonaya Nabadeynta wadamada geeska Afrika

Related Items