Al Shabaab oo Muqdisho ku dishay Ergay Xildhibaanno soo xushay iyo askar katirsan dowladda.

Sunday May 26, 2019 - 17:32:06 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Muqdisho ku dishay Ergay Xildhibaanno soo xushay iyo askar katirsan dowladda.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xaafado katirsan degmooyinka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xaafado katirsan degmooyinka gobolka Banaadir.


Wararka ka imaaaya degmada Dharkeynleey ayaa sheegaya in xoogag hubeysan ay xaafadda Suuq Liif ku dileen mid kamida Ergadii xildhibaan baarlamaanka dowladda kasoo xulay dhanka maamulka Koonfur Galbeed.

Goob joogayaal ayaa sheegay in rag hubeysan ay toogteen nin lagu magacaabo Xuseen Maadeey oo magaalada Baydhabo uga qeyb galay shirarkii xildhibaannada lagusoo xulay, sidoo kale rag hubeysan oo Al Shabaab katirsan ayaa xaafadda Fagax ee degmada Yaaqshiid ku dilay mid kamida Ergadii xildhibaannada Baarlamaanka kasoo xushay dhanka maamulka Hirshabeelle.


Ergayga lagu dilay isgoyska Fagax ayaa magaciisa laguso gaabiyay Ibriim, weerar kale oo isla maanta ka dhacay suuqa Bakaaraha ayaa sababay dhimashada hal askari iyo dhaawaca askari kale.

Dhinaca kale xoogag hubeysan oo Al Shabaab katirsan ayaa xaafadda Gubta ee degmada Dayniile ku dilay sarkaal katirsan sirdoonka dowladda Federaalka, dadka deegaanka ayaa sheegay in ladilay Nuur Cashar oo ahaa sirdoonka dowladda qeybta dhar cadda loo yaqaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items