Taliyihii Xabsiga Jeel Ogaadeen oo lagu qabtay duleedka degmada Goldogob.

Sunday May 26, 2019 - 20:10:27 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Taliyihii Xabsiga Jeel Ogaadeen oo lagu qabtay duleedka degmada Goldogob.

    Wararka ka imaanaya dhulka Soomaaligalbeed ee gummeysiga itoobiya kujira ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay mid kamida dagaal oogayaashii ugu dhibka badnaa ee xasuuqa aan kala sooca laheyn ugeysanayay dadka shacabka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dhulka Soomaaligalbeed ee gummeysiga itoobiya kujira ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay mid kamida dagaal oogayaashii ugu dhibka badnaa ee xasuuqa aan kala sooca laheyn ugeysanayay dadka shacabka ah.


Xasan Axmed Ibraahim oo ku magac dheeraa 'Xasan Dheere' wuxuu ahaa taliyihii xabsiga fadeexadda ku caanbaxay ee Jeel Ogaadeen kaasi oo ahaa kawaan uu maamulkii Cabdi Ileey ku xasuuqi jiray dadka shacabka ah.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Xasan Dheere lagu qabtay meel ku dhow degmada Goldogob ee gobolka Mudug saacado yar kadib markii uu kasoo tallaabay degmada Gallaadi ee dhulka Soomaaligalbeed, saraakiil u hadashay maamulka isku magacaabay Puntland ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in sarkaalkan ay udhiibeen maamulka kajira dhulka Soomaaligalbeed ee Itoobiya taabacsan.


Xasan Dheere ayaa madax u ahaa maleeshiyaad manaxayaal ah oo dadka shacabka ah ku tacdiibin jiray xabsiga Jeel Ogaadeen ee dhaca duleedka magaalada Jigjiga, sanaddii 2018 hay'adaha xuquuqul insaanka ayaa warbixin ay kasoo saareen xaaladda Xabsiga ku tilmaamay midka ugu sumcadda xun qaaradda Afrika ee dadka lagu tacdiibiyo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items