Qaraxyo Khasaare lagu gaarsiiyay ciidamada Dowladda Oo Ka Dhacay duleedka Muqdisho iyo Sh/Hoose.

Sunday May 26, 2019 - 21:00:40 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo Khasaare lagu gaarsiiyay ciidamada Dowladda Oo Ka Dhacay duleedka Muqdisho iyo Sh/Hoose.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qaraxyo saacadihii lasoo dhaafay ciidamo katirsan dowladda Federaalka lagula beegsaday magaalada Muqdisho iyo deegaan katirsan Shabeellaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qaraxyo saacadihii lasoo dhaafay ciidamo katirsan dowladda Federaalka lagula beegsaday magaalada Muqdisho iyo deegaan katirsan Shabeellaha Hoose.


Qarax maanta gelinkii dambe ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha gaar ahaan halka loo yaqaan Isbaaro Shabeelle ayaa sababay dhimashada sedax askari iyo dhaawac soo gaaray illaa 8 askari sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qarax miino uu haleelay gaari Tikinika ah gaar ahaa Nuuca Cabdi bilaha loo yaqaan, qaraxa ayaa la sheegay in uu burbur baaxad leh gaarsiiyay gaariga.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya degmada Buula Mareer ee Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in caawa fiidkii qarax xooggan lala helay ciidamo katirsan dowladda Federaalka xilli ay ku lugeynayeen gudaha degmada balse lama oga khasaaraha gaaray.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items