Dowladda Itoobiya Oo ka hadashay Khariiraddii ay soo saartay Ee Soomaaliya lagula daray dalkeeda.

Monday May 27, 2019 - 11:32:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Itoobiya Oo ka hadashay Khariiraddii ay soo saartay Ee Soomaaliya lagula daray dalkeeda.

    Markii ugu horraysay dowladda Xabashida Itoobiya ayaa ka hadashay sawir ay shalay ku faafisay warbaahinteeda gaarka ah kaas oo muujinayay in Itoobiya ay qabsatay Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horraysay dowladda Xabashida Itoobiya ayaa ka hadashay sawir ay shalay ku faafisay warbaahinteeda gaarka ah kaas oo muujinayay in Itoobiya ay qabsatay Soomaaliya.


War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa lagu xaqiijiyay in uu saxyahay sawirka lagu faafiyay boggeeda Internetka balse waxay ku sifaysay mid si khalad ah loo baahiyay .

"Waxaan fahannay in sawir khaldan oo aan la aqbali karin oo muujinaya Khariidadda Afrika uu si kadis ah kusoo galay bogga internet-ka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Federaalka ee Itoobiya. Isla markii aan arrinta ka war helnay, si deg deg ah ayaan sawirkaas uga bixinnay Website-ka, Fadlan xaqiiq u haya in kooxdeena dhinaca ICT-ga ay ka shaqeynayaan hubinta ammaanka Website-ka, Waxaan si kal iyo lab ah uga qoomameyneynaa jaha wareer kasta oo ay suurta gal tahay in uu sababay iyo isfaham darro ka dhalatay dhacdadaan" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Itoobiya.


Dowladda Itoobiya waxay arrintan ku sifeysay wax si khalad ah loo daabacay balse ma beenin nuxurka ay xambaarsaneed khariiradda oo ahaa in Soomaaliya laga saaray Mapka Afrika islamarkaana maamulka Somaliland uu yahay dowlad madax banaan.

Mas'uuliyiinta ugu sarraysa dowladda Federaalka oo dabadhilifyo u ah Xabashida Itoobiya ayaan illaa iyo hadda ka hadlin caddeymaha ka yimid dowladda Itoobiya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items