Al Shabaab oo Dilal hor leh ka geysatay xaafado katirsan Magaalada Muqdisho.

Monday May 27, 2019 - 20:34:43 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Dilal hor leh ka geysatay xaafado katirsan Magaalada Muqdisho.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal qorshaysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xaafado katirsan magaalada Muqdisho dilalkaas oo lala beegsaday askar iyo Ergo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal qorshaysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xaafado katirsan magaalada Muqdisho dilalkaas oo lala beegsaday askar iyo Ergo.


Xoogag hubeysan oo katirsan Al Shabaab ayaa maanta barqadii xaafadda Suuq Liif ee degmada Dharkeynleey ku dilay sarkaal katirsanaa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sarkaalka ladilay oo magaciisa lagusoo gaabiyay Madaxeey ayaa caan ka ahaa xaafadda Kaawa Godeey, sida ay sheegeen dadka deegaanka xoogagii dilka geystay ayaa si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqay waxayna horay usii qaateen qori AK47 ah oo uu watay sarkaalka ladilay.


Dhinaca kale rag hubeysan oo katirsan Al Shabaab ayaa maanta gelinkii dambe gudaha suuqa Bakaaraha ku dilay Max'med Abuukar oo kamid ahaa Ergadii wax kasoo xulay xidhibaannada Baarlamaanka dowlada Federaalka ee lagasoo doortay dhanka maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed.

Shalay ayay aheyd markii Muqdisho lagu dilay laba kamid ah Ergadii xildhibaannada soo xulay iyo laba askari oo mid kamida uu ahaa sarkaal katirsan sirdoonka dowladda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items