Wasiirka arrimaha dibadda: Wax Micna weyn ku fadhiya ma ahan Waxa Itoobiya ay ku faafisay Baraha Internetka

Wednesday May 29, 2019 - 21:40:33 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka arrimaha dibadda: Wax Micna weyn ku fadhiya ma ahan Waxa Itoobiya ay ku faafisay Baraha Internetka

    Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa markale ku dhaqaaqday tallaab ay ku cadaysanayo in ay sedax dowladood ukala qeybisay dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa markale ku dhaqaaqday tallaab ay ku cadaysanayo in ay sedax dowladood ukala qeybisay dalka Soomaaliya.



Dowladda Itoobiya oo ciidamadeedu ay xoog ku heystaan gobollo iyo magaalooyin ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in ay dowlado madax banaan u aqoonsantahay maamullada Puntland iyo Somaliland.

Bogga rasmiga ah ee wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in magaalooyinka Garoowe,Hargeysa iyo Muqdisho ay Qunsuliyado uga furanyihiin Itoobiya kuwaas oo u shaqeeya sifo dowladnimo.

Dhinaca kale dowladda Federaalka Soomaaliya oo caan ku ah dadhilifnimo dhan walba ah ayaa tallaabooyinka ay qaadday Itoobiya ku tilmaamtay mid aan micno laheyn oo muujinayay khalad dhacay!



Axmed Ciise Cawad oo ah wasiirka arrimaha dibadda dowladda Federaalka ayaa BBC-da u sheegay in ay ka jawaabayaan arrintan isagoo aan wax weyn u arkin caddeymahan ihaanada ah ee ka imaanaya Itoobiya "Waxan wuxuu ahaa wax aan micno lahayn oo khalad dhacay ah, Soomaaliya kaliyana ma khuseynin, khariidad qof ku falaaday oo aan sax ahayn bay ahayd" ayuu yiri Cawad.

Dowladda Itoobiya ayaa isku aragta in iyadu ay majaraha uheyso siyaasadda Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, Itoobiya oo cadaawad soo jireen ah uqabto shacabka Soomaaliya ayaa sanaddii 2018 ku dhawaaqday in lasiiyay afar dekadood oo kuyaal xeebaha Soomaaliya kadib heshiis ay lagashay Farmaajo.

Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho

 

Related Items