Weeraro Askar lagu dilay oo ka dhacay Magaalooyinka Muqdisho iyo Qoryooleey.

Wednesday May 29, 2019 - 21:57:52 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro Askar lagu dilay oo ka dhacay Magaalooyinka Muqdisho iyo Qoryooleey.

    Dilalka qorshaysan ee ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka ayaa wali kasii socda magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku dhow.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dilalka qorshaysan ee ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka ayaa wali kasii socda magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku dhow.

Maanta gelinkii dambe ayay xoogag hubeysan oo katirsan Al Shabaab waxay weerar ku qaadeen ciidamo katirsan dowladda Federaalka xilli ay ku sugnaayeen xaafadda Black Sea ee degmada Hodon.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan hal askari uu ku dhintay weerarka tira kalane ay ku dhaawacmeen, dhinaca kale weerar ka dhacay duleedka degmada Qoryooleey ee Sh/hoose ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 2 askari.

Warar laga gelay Shabeellaha Hoose waxay sheegayaan in maanta gaari gaashaaman ciidamada AMISOM looga gubay duleedka deegaanka Shalaambood, ciidamada shisheeye oo saad kasoo gelbiyay dhanka magaalada Muqdisho ayaa maalintii 2aad weeraro dhabbagal ah kala kulmaya Al Shabaab.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items