Hoggaamiyaasha Dowladaha Carabta Oo xasaasi ah ku yeelanaya magaalada Makka.

Wednesday May 29, 2019 - 22:10:55 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiyaasha Dowladaha Carabta Oo xasaasi ah ku yeelanaya magaalada Makka.

    Waxaa magaalada Makka Al Mukarrama ee dhulka Xaraneynka kusii qulqulaya inta badan hoggaamiyaasha dawaaqiidda Carabta iyo kuwa kale ee ka jira caalamka Islaamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa magaalada Makka Al Mukarrama ee dhulka Xaraneynka kusii qulqulaya inta badan hoggaamiyaasha dawaaqiidda Carabta iyo kuwa kale ee ka jira caalamka Islaamka.


Shir ay soo qaban qaabisay dowladda Aala Sacuud ayaa lafilayaa in uu berri ka furmo magaalada Makka kaas oo la sheegay in diiradda lagu saarayo xiisadaha udhaxeeya xulufada Mareykanka iyo iiraan ee kajira mandiqadda loo bixiyay Bariga dhexe.

Salmaan Bin Cabdi Casiis oo ah boqorka dabadhilifka Sacuudiga ayaa shirkan qaban qaabiyay waxaana markii ugu horraysay laba sano kadib ka qeyb gelaya mas'uul sare oo katirsan dowladda dabadhilifka Qadar oo khilaaf daran kala dhaxeeyay xulufada Aala Sacuud iyo Imaaraatka Carabta.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in madasha shirka uu xaadiri doono Cabdalla Bin Naasir Aala Thaani oo ah R/wasaaraha Qadar, shirkan ayaa imaanaya isbuuc kadib oo hanjabaadyo ay hawada isku mariyeen Donald Trump iyo Xasan Ruuxaani hoggaamiyaha dowladda shiicada Iiraan.

Diblumaasiyiin ku sugan wadanka Sacuudiga ayaa sheegaya in shirkan lagasoo saari doono cambaareymo ka dhan ah dowladda Iiraan islamarkaana dowladaha carabta ay ku baaqi doonaan in aan xaalad dagaal laga abuurin mandiqadda Khaliijka.

Maleeshiyaadka Xuuthiyiin oo xiriir laleh Iiraan ayaa bishaan gudaheeda weeraro khasaara maaliyadeed dhaliyay ku qaaday Keydadka shidaalka ugu waaweyn wadanka Sacuudiga, sidoo kale kooxo loo malaynayo in ay taageersanyihiin Iiraan ayaa weerar ku qaaday illaa Afar Markab oo ku socdaalayay xeebaha wadanka Imaaraatka Carabta.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items