Q.Midoobay Diblumaasi Mareykan ah umagacaawday Wakiilkeeda Soomaaliya.

Thursday May 30, 2019 - 20:43:26 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Q.Midoobay Diblumaasi Mareykan ah umagacaawday Wakiilkeeda Soomaaliya.

    Waxa loogu yeero Q.Midoobe ayaa Ergay cusub usoo magacaawday dalka Soomaaliya kaasi oo loo xilsaaray in uu sii wado ajandayaasha gummeysi ee shisheeyuhu ku hayo dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa loogu yeero Q.Midoobe ayaa Ergay cusub usoo magacaawday dalka Soomaaliya kaasi oo loo xilsaaray in uu sii wado ajandayaasha gummeysi ee shisheeyuhu ku hayo dalka.

War qoraal ah oo kasoo baxay Antonio Gutterres oo ah xoghayaha guud ee Q.Midobay ayaa lagu sheegay in James Swan oo ah diblumaashi Mareykan ah uu yahay wakiilka cusub ee UN-ka uqaabilsan Soomaaliya.

James Swan ayaa ah jaajuus Mareykan ah oo horay xukuumadda Washington wakiil uga ahaa arrimaha Soomaaliya, Ninkan ayaa horay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ugala shaqeeyay arrimaha qaaradda Afrika.

Ergaygan cusub ayaa bedelay Nicholas Haysom oo lix bilood ka hor shaqada laga joojiyay kadib khilaaf soo kala dhaxgalay isaga iyo dowladda Farmaajo oo ay isku qabteen weerarkii ka dhacay Baydhabo ee lagu xiray Mukhtaar Rooboow.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items