Madaxweynaha Kenya oo galay Masjid kuyaal magaalada Nairobi.

Friday May 31, 2019 - 16:33:14 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Kenya oo galay Masjid kuyaal magaalada Nairobi.

    Madaxweynaha Dowladda Kenya ayaa galay mid kamida masaajidda ugu waaweyn magaalada Nairobi isagoo kalumad jees jees ah u jeediyay Muslimiinta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowladda Kenya ayaa galay mid kamida masaajidda ugu waaweyn magaalada Nairobi isagoo kalumad jees jees ah u jeediyay Muslimiinta.


Uhuru Kenyatta ayaa xilligii Afurka gudaha ugalay Jamia Mosque halkaas oo uu sawirro kula galay qaar kamid ah jamaacada masjidka, warbaahinta rasmiga ah ee Afka dowladda Kenya ku hadasha ayaa faafisay muuqaallo muujinayay Uhuru oo fooraarsanaya iskana dhigaya in uu latukanayo muslimiinta.

Maamulka Masjidka ayaa Uhuru Kenyaata hadiyad ahaan usiiyay Kitaabka Qur'aanka Kariimka iyagoo og in uu yahay nin gaal Kirishtaan nijaas ah, madaxweynaha Kenya ayaa khudbad uu ka jeediyay Jamia Mosque wuxuu uga codsaday muslimiinta in ay kala shaqeeyaan dagaalka ay ciidamada Kenya kula jiraan xoogaga Shabaabul Mujaahidiin ee shisheeyaha soo duulay kula halgamaya Soomaaliya iyo gudaha Kenya.


Tallaabadan uu Uhuru Kenyaatta ku galay masjidka ayaa ah ihaano loo geystay beytka Alle wadaada xumayaasha la shaqeeya dowladda Kenya ayaa tallaabadan bogaadiyay waxayna ku sheegeen in ay tahay mid taariikhi ah!.

Waa markii ugu horraysay oo mid kamida madaxweynayaasha Kirishtaanka Kenya uu galo masjid uuna sawirro isagasoo qaado isagoo xiran labis islaami ah islamarkaana isku ekaysiinaya in uu tukanayo.




Related Items