Toos U Daawo:Malaayiin Muslimiin Ah oo Banka Carafo Taagan si ay Ugutaan Tiirka Ugu Weyn ee Xajka.

Monday August 20, 2018 - 13:55:06 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.5/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Toos U Daawo:Malaayiin Muslimiin Ah oo Banka Carafo Taagan si ay Ugutaan Tiirka Ugu Weyn ee Xajka.

    Maanta oo ay ku beegantahay 9,12,1439 waxaa Banka carafo taagan malaayiin xujey muslimiin ah si ay ugutaan rukniga ugu weyn ee Xajka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta oo ay ku beegantahay 9,12,1439 waxaa Banka carafo taagan malaayiin xujey muslimiin ah si ay ugutaan rukniga ugu weyn ee Xajka.

Xujeyda oo kala luqad ah kala midab ah dhan walba ku kala duwan ayaa hal meel wada taagan waxa kaliya ee walaaleeya waa kalimadda Towxiidka.

Xukuumadda Sacuudiga waxay sheegtay in dad kabadan 2 milyan oo muslimiin ah ay sanadkan xajka gudanayaan,maanta gelinka dambe ayay xujeydu u dhaqaaqayaan dhanka Muzdalifa.

Muslimiin badan oo caalamka ku dhaqan oo aysan u suurta gelin in ay xaadiraan Xajka ayaa maanta oo taariikhdu tahay 9-ka bisha Carafo sooman maalinta carafo oo fadli dheeri ah leh.


Dhinaca kale muslimiinta caalamka ayaa maalinimada berri ah udabaal degaya munaasabadda ciiddul adxaa ee barakaysan,10-ka maalmood ee ugu horraysa bisha carafo ayaa ah maalmaha ugu kheyrka badan maalmaha ilaahey.

Hoos Toos Uga Daawo Xujeyda Oo Banka Carafa kusii qulqulaya


دعاء عرفة كامل مكتوب دعاء 28771hlmjo.jpg


Related Items