Sedax Kamid ah Ergadii wax kasoo xulay Xildhibaannada Baarlamaanka oo Muqdisho lagu dilay.

Friday May 31, 2019 - 17:52:31 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Sedax Kamid ah Ergadii wax kasoo xulay Xildhibaannada Baarlamaanka oo Muqdisho lagu dilay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal qorshaysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal qorshaysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.


Xoogag hubeysan ayaa degmooyinka Dharkeynleey iyo Hodon ku dilay qaar kamid ah Ergadii soo xushay xildhibaannada Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Max'med Sheekh Max'med oo kamid ahaa xildhibaannadii wax kasoo xulay xildhibaannada baarlamaanka ee lagasoo doortay dhanka Koonfur galbeed ayaa lagu dilay Dharkeynleey, sidoo kale rag hubeysan ayaa Cabdullaahi Maxamed Maax ku dilay xaafadda Siigaale ee degmada Hodon, Maax wuxuu kamid ahaa Ergadii xildhibaannada kasoo xulay dhanka Koonfur galbeed.


Dhinaca kale weerar ka dhacay deegaanka Madiina waxaa lagu dilay Nuur Isxaaq Ileey oo isna ka mid ahaa Ergadii ka qeyb galay shirarkii xildhibaannada lagusoo xulayay ee ka dhacay magaalada Baydhabo, dhammaan mas'uuliyadda dilalkan waxaa sheegatay Xarakada Al Shabaab sida ay baahisay Idaacadda Andalus.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items