Al Shabaab Oo Gaalkacyo Ku dishay Madaxii Amniga iyo Nabad gelyada Hay'adaha Q.Midoobay ee Mudug.

Saturday June 01, 2019 - 12:41:02 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Gaalkacyo Ku dishay Madaxii Amniga iyo Nabad gelyada Hay'adaha Q.Midoobay ee Mudug.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorshaysan oo xalay ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorshaysan oo xalay ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.


War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegtay in howlgal qorshaysan ay ku dishay Madaxii amniga iyo Nabad gelyada Hay'adaha Q.Midoobay ee howlgala gobolka Mudug waxaana lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Kheyre.

Sarkaalka ladilay ayaa mas'uul ka ahaa amniga dhammaan shaqaalaha hay'ada UN-ka ee ka howgala degmooyinka iyo deegaannada gobolka Mudug "Mujaahidiinta ayaa Gaalkacyo ku dilay madaxii amniga iyo Nabad gelyada hay'adaha gaalada Midowday ee Gobolka Mudug" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.


Q.Midoobay ayaa hoggaanka uheysa duullaanka ciidamada shisheeye ay kusoo qaadeen dalka Soomaaliya waxayna bixiysaa dhaqaalaha ku baxa howlgalka AMISOM waxayna taageertaa maamul goboleedyada dalka ka jira ee gumeystaha la shaqeeya

Related Items