Al Shabaab Oo Weerartay Saldhigyo Melleteri oo kuyaal deegaanka Kulbiyoow.

Sunday June 02, 2019 - 12:08:02 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Weerartay Saldhigyo Melleteri oo kuyaal deegaanka Kulbiyoow.

    Wararka ka imaanaya xuduud beenaadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya ee dhanka Jubbooyinka ayaa sheegaya in weerar xooggan lagu qaaday saldhigyo ay ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka Axmed Madoobe ku sugnaayeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya xuduud beenaadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya ee dhanka Jubbooyinka ayaa sheegaya in weerar xooggan lagu qaaday saldhigyo ay ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka Axmed Madoobe ku sugnaayeen.


Xoogag katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa xalay weeraro xooggan ku qaaday saldhigyada ciidamada Kenya iyo kuwa maleeshiyaadka maamulka 'Jubbaland' ee deegaanka Kulbiyoow oo katirsan Jubbada Hoose.

Dagaal in mudda ah socday ayaa la sheegay in ciidamada huwanta ah iyo xoogaga Al Shabaab uu ku dhaxmaray deegaanka Kulbiyoow, dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiic ay ciidamada Kenya ku garaacayeen dhulka howdka ah.


Waxaa adag in la ogaado khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka Axmed Madoobe kasoo gaaray dagaalkii xalay, weeraradan ayaa qeyb ka ah weeraro xiriir ah oo xoogaga Al Shabaab ay ku qaadayeen magaalooyinka iyo deegaannada gacanta cadowga kujira tan iyo bilashii bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items