Iska Hor'imaad Khasaara dhaliyay oo degmada Xamarweyne ku dhaxmaray ciidamo kawada tirsan dowladda.

Sunday June 02, 2019 - 22:16:46 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iska Hor'imaad Khasaara dhaliyay oo degmada Xamarweyne ku dhaxmaray ciidamo kawada tirsan dowladda.

    Iska hor'imaad dhaliyay khasaara dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay ayaa maanta ka dhacay gudaha degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iska hor'imaad dhaliyay khasaara dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay ayaa maanta ka dhacay gudaha degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Maleeshiyaad kawada tirsan dowladda Federaalka ayaa maanta gelinkii dambe ku dagaallamay agagaarka Masaajidka Barwaazi waxaana iska hor'imaadkaas kasoo baxaya warar dheeraad ah.

Ciidamo Boolis iyo Melleteri ah ayuu dagaalku dhaxmaray xilli boqolaal qof ay ka dukaamanaysayeen suuqa Xamarweyne oo kamid ah meelaha ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan hal qof shacab ah ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay iska hor'imaadka halka sedax kale ay ku dhaawacmeen, labada ciidan ee dirirtu dhaxmartay ayaa la sheegay in ay isku qabteen lacagaha baadda ah ee ay ka qaadaan ganacsatada.


Haweenay afhayeenad ah oo u hadashay ciidamada Booliska dowladda Federaalka ayaa xaqiijisay iska hor'imaadka balse waxay dhinacyada dagaallamay ku sheegtay ciidamada Booliska iyo Kooxo burcad ah oo doonayay in ay dhacaan hantida shacabka!.

Shacabka ku dhaqan degmada Xamarweyne ayaa walaac ka muujiyay iska hor'imaadkii galabta dhacay oo kusoo aadaya xilli zaxmad ballaaran oo ka dhanka dukaameysiga ah ay kajirto suuqa Xamarweyne.

Related Items