Weerar gaari looga gubay Ciidamada Bangaraafta oo ka dhacay Sh/Hoose iyo ciidamo Jabuutiyaan ah oo Jalalaqsi lagu weeraray.

Monday June 03, 2019 - 10:53:35 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Weerar gaari looga gubay Ciidamada Bangaraafta oo ka dhacay Sh/Hoose iyo ciidamo Jabuutiyaan ah oo Jalalaqsi lagu weeraray.

    Weeraro khasaara lagu gaarsiiyay ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka dowladda Federaalka ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraro khasaara lagu gaarsiiyay ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka dowladda Federaalka ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.



Wararka ka imaanaya duleedka degmada Marka ayaa sheegaya in weerar dhabagal ah uu qabsaday kolonyo ciidamo Bangaraaf ah  xilli ay ku socdaalayeen deegaanka Aala Yaasir ee kaabiga ku haya garoonka Lambar50.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay weerarka ku gubeen gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen maleeshiyaadka Mareykanku Tababaray ee Bangaraafta loo yaqaan.

Warar laga helay deegaanka Aala Yaasir ayaa xaqiijinaya in gaariga oo gubanaya uu yaal wadada hareeraheeda waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday dhammaan ciidamadii gaariga la socday sida ay sheegeen dadka deegaanka.



Dhinaca kale weerar dhabbagal ah ayaa lagu qaaday ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolka Hiiraan gaar ahaan kuwa Jabuuti, weerarka oo ka dhacay degmada Jalalaqsi ayaa waxyeello lagu gaarsiiyay ciidamada AMISOM.

Xoogag katirsan Al Shabaab ayaa wadada ugalay ciidamada Jabuuti waqti ay  isaga kala gooshayeen bariga iyo galbeedka degmada Jalalaqsi, sidoo kale Al Shabaab ayaa xalay weeraray saldhigga ciidamada Nabad sugidda ay ku leeyihiin deegaanka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items