Sawirro: Melleteriga Suudaan Oo Bilaabay in uu Xasuuqo Shacabka Kacdoonka Wada.

Monday June 03, 2019 - 16:47:29 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Melleteriga Suudaan Oo Bilaabay in uu Xasuuqo Shacabka Kacdoonka Wada.

    Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay xasuuq ay ciidamada Melleteriga Suudaan ka geysteen magaalada Al Khurduum ee caasimadda u ah wadankaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay xasuuq ay ciidamada Melleteriga Suudaan ka geysteen magaalada Al Khurduum ee caasimadda u ah wadankaas.

Wararka ka imaanaya wadanka Suudaan ayaa sheegaya in ciidamada Booliska iyo kuwa melleteriga ay xoog ku galeen fagaarayaasha ay ku suganyihiin dadka kacdoonka wada.

Ciidamada ayaa isku dayaya in ay xoog ku galaan teendhooyin ay dibd baxayaashu ka dhisteen afaafka hore ee xarunta taliska ciidanka qalabka sida ee Suudaan, guddiyada caafimadka ayaa sheegay in ugu yaraan 24 qof shacab ah ay ku dhinteen howlgalka ciidamada 116 kalane ay ku dhaawacmeen.

Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay ciidamada oo xoog u adeegsanaya kala eryidda dibad baxayaasha iyo Meydad iyo dhaawacyo daadsan goobta.


Cabdi Fataax Alburhaani oo ah madaxa golaha Melleteriga KMG Suudaan ayaa beeniyay in ay shacab xasuuqeen isagoo dadka ku dhintay howlgalka ku tilmaamay qaswadayaal.












Related Items