20 Askari Kenyaan ah oo dhimasho iyo dhaawac ku Noqday Weerar Ka Dhacay Duleedka Mandheera.

Wednesday June 05, 2019 - 19:22:38 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    20 Askari Kenyaan ah oo dhimasho iyo dhaawac ku Noqday Weerar Ka Dhacay Duleedka Mandheera.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar maalin ka hor ka dhacay dhulka Soonaalida NFD ee gummeysiga Kenya kujira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar maalin ka hor ka dhacay dhulka Soonaalida NFD ee gummeysiga Kenya kujira.



Wararka ka imaanaya gobolka Mandheera ayaa sheegaya in ugu yaraan 5 askari Kenyaan ah ay dhinteen 20 kalane ay dhaawacmeen kadib markii weerar xooggan uu qabsaday kolonyo ciidamo boolis ah.

Dagaal culus oo Al Shabaab iyo ciidanka Kenya ku dhaxmaray deegaanka Waranqara ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 5 askari Kenyaan ah iyo dhaawaca labaatan kale.

"Mujaahidiinta ayaa 20 askari saliibiyiin Kenyaan ah ku dhaawacay 5 kalane ku dilay weerar ka dhacay deegaanka Waranqara ee duleedka degmada Mandheera" ayaa lagu yiri war ay baahisay Idaacadda Andalus.



Weerarkan oo dhacay gelinkii dambe ee maalintii Isniinta ayaa saameyntiisa laga dareemay magaalada Mandheera halkaas oo lageeyay ciidamada Booliska ah ee dhimashada iyo dhaawac ku noqday.

Xoogaga Al Shabaab ayaa sare uqaaday weerarada ay ka fulinayaan gudaha dalka Kenya tan iyo markii ay bilatay bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items