Dowladda Suudaan oo laga Joojiyay Xubinnimadii Ururka Midowga Afrika.

Thursday June 06, 2019 - 16:04:25 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • Visits: 972
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Suudaan oo laga Joojiyay Xubinnimadii Ururka Midowga Afrika.

    Kadib kulan deg deg ah oo ay magaalada Addis Ababa ku yeesheen xubnaha Golaha ammaanka iyo Nabad gelyada Ururka Midowga Afrika ayay ku go'aamiyeen in la hakiyo xubinimadii Suudaan ee Ururkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib kulan deg deg ah oo ay magaalada Addis Ababa ku yeesheen xubnaha Golaha ammaanka iyo Nabad gelyada Ururka Midowga Afrika ayay ku go'aamiyeen in la hakiyo xubinimadii Suudaan ee Ururkaas.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Ururka AU ayaa lagu sheegay in Suudaan ay kasii maqnaan doonto Ururka illaa inta talada wadankaas lagu wareejinayo dowlad madani ah.

Hoggaamiyaasha Midowga Afrika ayaa si kulul u dhaleeceeyay tallaabadii ay ciidamada Melleteriga Suudaan ku gummaadeen dadkii dibad baxyada ka dhigayay magaalada caasimadda ah ee Al Khurduum.

Golaha Melleteriga KMG Suudaan ayaa tan iyo markii ay inqilaabeen Cumar Xasan Al Bashiir waxay wajahayeen cadaadisyo caalami ah iyo kuwa maxalli ah waxaana golaha lagu eedeynayaa in talooyinka dhanka maamulka ah ka qaadanayaan dowlado ay kamid yihiin Sacuudiga,Imaaraatka Carabta iyo Masar oo caan ku ah qamcinta Kacdoonnada shacabka.

Related Items