Ciidamada Al Shabaab oo si buuxda ula wareegay gacan ku heynta Deegaanka Af Urur.

Saturday June 08, 2019 - 11:55:29 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al Shabaab oo si buuxda ula wareegay gacan ku heynta Deegaanka Af Urur.

    Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaan istiraatiiji ah oo hoos yimaad magaalada Boosaaso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaan istiraatiiji ah oo hoos yimaad magaalada Boosaaso.

Saaka aroortii hore ayay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin gudaha ugaleen deegaanka Af Urur kadib markii ay isaga firxadeen maleeshiyaadkii maamulka isku magacaabay Puntland.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in wax dagaal ah uusan ka dhicin deegaanka, ciidamada maamulka Puntalnd ayaa isaga cararay deegaanka Af Urur kadib markii ay arkeen in ciidamada Al Shabaab oo deegaanka duulaan ku ah.

Xoogaga Al Shabaab ayaa la wareegay dhammaan xarumihii maamulka deegaanka iyo saldhigyadii Melleteri ee ay faarujiyeen ciidamada maamulka isku magacaabay Puntland.


Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada PL ee isaga firxaday Af Urur ay gaareen degmada Carmo, dadka deegaanka ayaa sheegay in xoogaga Al Shabaab ay baaritaanno ku sameeyeen xarumihii ay faarujiyeen saraakiisha maamulka Puntaland.

Sanaddii 2018 ayay ciidamada Al Shabaab sidaan oo kale ula wareegeen gacan ku heynta deegaankan iyagoo muddo bil ah maamulayay waxaana kasii horreeyay dagaal lagu dilay ugu yaraan 90 askari Puntland ah kadib markii xoogaga Al Shabaab ay cagta mariyeen saldhigyada Melleteri ee Af Urur.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items