Sarkaal Katirsanaa Maamulka 'Hirshabelle' oo lagu dilay magaalada Jowhar.

Saturday June 08, 2019 - 10:26:43 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Katirsanaa Maamulka 'Hirshabelle' oo lagu dilay magaalada Jowhar.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar lagu dilay sarkaal sare oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdi Rashiid ayaa kamid ahaa saraakiisha waaxda Canshuuraha
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar lagu dilay sarkaal sare oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.

Wararka ka imaanaya Jowhar ayaa sheegaya in rag hubeysan ay bartamaha magaaladaas ku dileen Cabdi Rashiid Xaaji Muxumed oo kamid ahaa saraakiisha waaxda Canshuuraha maamulka isku magacaabay Hirshabelle.

Goob joogayaal ayaa sheegay in raggi  weerarka geystay ay goobta ka baxsadeen  markii uu dilku dhacay kadib waxaa magaalada Jowhar lagu daadiyay ciidamo boolis ah balse kuma guuleysan in ay gacanta ku dhigaan raggii dilka geystay.

Warar soo baay ayaa sheegaya in maleeshiyaad katirsan isla maamulka isku magacaabay Hirshabelle ay dilka geysteen balse illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin maamulka kajira magaalada Jowhar.


 horay ayaa sidaan oo kale saraakiil katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya loogu dilay gudaha magaalada Jowhar iyo hareeraheeda.

Liibaan Jeexoow
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items