Waare Oo xilka qaadis degdeg ah ku sameeyay Yuusuf Dabageed Guddoomiyihii gobolka Hiiraan,

Saturday June 08, 2019 - 11:04:08 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waare Oo xilka qaadis degdeg ah ku sameeyay Yuusuf Dabageed Guddoomiyihii gobolka Hiiraan,

    Ismariwaa dhanka maamulka ah ayaa lagasoo sheegayaa magaalada Beled Weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

khilaaf xooggan ayaa u dhaxeeyay dabageed iyo Waare
Ismariwaa dhanka maamulka ah ayaa lagasoo sheegayaa magaalada Beled Weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Inta badan xarumaha maamulka ayaa albaabada loo laalabay saacado kadib markii madaxweynaha maamulka isku magacaabay Hirshabelle uu Eryay Yuusuf Dabageel oo ahaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Max'med Cabdi Waare ayaa lagu sheegay in xilkii guddoomiyanimo looga qaaday Yuusuf Dabageed waxaana lagu bedelay Cali Maxamed Caraale oo kamid ahaa musharixiintii utartamay xilka madaxweynaha Hirshabelle.

Shaqa ka Eryidda lagu sameeyay Yuusuf dabageed ayaa timid kadib markii uu shalay warbaahinta ka jeediyay hadallo xanaf leh oo ka dhan ah Waare, Dabageed ayaa ku eedeeyay hoggaamiyaha maamulka Hirshabelle in uu si burcadnimo ah ulunsanayo lacagaha canshuuraha ah ee laga qaado shacabka gobolka Hiiraan sida uu hadalka u dhigay.


Yuusuf Dabageed oo saaka magaalada Beled Weyne kulamo kula qaatay Odayaal dhaqameedyo iyo siyaasiyiin ayaa u sheegay in uu kasoo horjeedo xilka qaadista lagu sameeyay balse ma sheegin tallabada xigta ee uu qaadayo.

Maamulka Fadhiidka ah ee Hirshabelle waxaa hareeyay khilaafaad dhanka siyaasadda ah, kumanaan katirsan ciidamada Xabashida Itoobiya, kuwa Jabuuti iyo kuwa Burundi oo maamulkan ku ilaaliya magaalooyinka waaweyn ayaa ku guuleysan waayay in ay fidiyaan awoodda maamulka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items