13 Askari Jabuutiyaan ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Qaraxyo iyo Weeraro ka dhacay degmada Jalalaqsi.

Saturday June 08, 2019 - 21:23:15 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    13 Askari Jabuutiyaan ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Qaraxyo iyo Weeraro ka dhacay degmada Jalalaqsi.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaadyo iyo qaraxyo xooggan oo maanta duleedka degmada Jalalaqsi ku dhaxmaray ciidamo katirsan AMISOM iyo xoogaga Shabaabul Mujaahidiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

degmada Jalalaqsi waxay katirsan Hiiraan
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaadyo iyo qaraxyo xooggan oo maanta duleedka degmada Jalalaqsi ku dhaxmaray ciidamo katirsan AMISOM iyo xoogaga Shabaabul Mujaahidiin.



Dagaallo culus ayaa maanta duhurkii gudaha degmada Jalalaqsi iyo duleedkeeda ku dhaxmaray ciidamada Jabuuti iyo xoogaga Shabaabul Mujaahidiin, dagaallada waxaa barbar socday qaraxyo lala eeganayay  ciidamada shisheeye magaca AMISOM ku jooga dalka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in 13 askari Jabuutiyaan ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dagaalladii iyo qaraxyadii maanta.

Idaacadda Andalus ee Afka Xarakada Al Shabaab ku hadasha ayaa baahisay in gaari gaashaaman oo ay wateen ciidamada Jabuuti lagu gubay qaraxyo ka dhacay agagaarka Buundada degmada Jalalaqsi.



Dad ku sugan gobolka Hiiraan waxay sheegeen in ciidamada Jabuuti ay la kulmeen weeraro jidgal ah xilli ay dhaq dhaqaaqyo ka wadeen gudaha iyo hareeraha degmada Jalalqsi.

Maanta gelinkii dambe ayaa duleedka degmada Jalalaqsi laga maqlayay jugta tiro madaafiic ah oo cidamada Jabuuti ay ku ridayeen dhulka howdka ah saacado kadib markii qaraxyo iyo weeraro looga dilay ciidamo fara badan.

illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin taliska ciidamada Jabuuti ee gobolka Hiiraan oo ku saabsan dagaalladii khasaaraha badan dhaliyay ee maanta ka dhacay degmada Jalalaqsi.

Related Items