Suldaan Mayoow "Ninkii Ay Maraykanku Ku Dileen Tooratoorow Wuxuu Ahaa dullaal gaadiidka Rakaabka ah rara" Dhageyso.

Sunday June 09, 2019 - 11:51:48 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Suldaan Mayoow "Ninkii Ay Maraykanku Ku Dileen Tooratoorow Wuxuu Ahaa dullaal gaadiidka Rakaabka ah rara" Dhageyso.

    Suldaan Max'med Abuukar Mayow oo ah Afhayeenka Odayaasha dhaqanka ee wilaayada islaamiga ee Shabeellaha hoose ayaa waraysi uu siiyay Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan wuxuu kaga hadlay duqeyn ay Maraykanku ka fuliyeen qeybo kamid ah gobolka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Midig: Suldaan Max'ed Abuukar Mayow oo caleema saaraya ugaaska Tunni.
Suldaan Max'med Abuukar Mayow oo ah Afhayeenka Odayaasha dhaqanka ee wilaayada islaamiga ee Shabeellaha hoose ayaa waraysi uu siiyay Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan wuxuu kaga hadlay duqeyn ay Maraykanku ka fuliyeen qeybo kamid ah gobolka.


Suldaanka ayaa sheegay in Macallin Ibraahim uu ahaa nin caan ah oo dallaal ah islamarkaana rara gawaarida dadweynaha ee ka baxa deegaanka Tooratoorow.

Wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay warka kasoo baxay Maraykanka ee ay ku sheegteen in macallinku ahaa xubin katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Gobolka Sh/hoose waa meelaha ugu daran ee diyaaradaha Drone-ka ay shacabka ku duqeeyaan, taliska Africom ayaa duqeymahaas ku sheega in ay ku beegsadaan Al Shabaab iyagoo iska dhega tiraya caddeymaha ka imaanaya dhulka.



Hay'ado reergalbeed ah ayaa warbixinno ay soo saareen sanadkaan gudihiisa waxay kusoo bandhigeen qeyb yar oo kamid ah xasuuqa uu maamulka Trump ku hayo shacabka Soomaaliyeed.

Halkan ka dhagayso waraysiga Suldaan Maxa’ed Abuukar Mayow.

Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items