Dowladda Ingiriiska Oo Saldhig Melleteri ka furatay Magaalada Baydhabo [Warbixin].

Sunday June 09, 2019 - 12:20:37 in Wararka
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 5
  • Share via Social Media

    Dowladda Ingiriiska Oo Saldhig Melleteri ka furatay Magaalada Baydhabo [Warbixin].

    Munaasabad ka dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ayay dowladda Ingiriiska Xarigga uga jartay saldhig Melleteri midkii ugu horreeyay oo ay ku yeelato Soomaaliya tan iyo markii ay burburtay dowladdii Siyaad Barre.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad ka dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ayay dowladda Ingiriiska Xarigga uga jartay saldhig Melleteri midkii ugu horreeyay oo ay ku yeelato Soomaaliya tan iyo markii ay burburtay dowladdii Siyaad Barre.

Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa sheegtay in saraakiil ka socday safaaradda iyo howlwadeenno melleteri ay xarigga ka jareen saldhiggan oo ku dhaxyaal goob ammaankeeda ay aad u ilaaliyaan ciidamada Xabashida Itoobiya.

Dowladda gummeysiga Ingiriiska waxay sheegtay in saldhiggan qaab casri ah loo dhisay islamarkaana muhiimadda uuqaban doono ay tahay tababridda maleeshiyaadka maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed.

Sida ay baahisay Safaarada Ingiriiska ee dalka Soomalaiya Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye iyo wasiirro katirsan Koonfur galbeed  ayaa ku sugnaa madashii lagu furayay saldhigga meleteri ee dowladda Ingiriiska ay ka dhisatay Soomaaliya.



Xukuumadda London ayaa ku andacoonaysa in dhismaha saldhiggan uu qeyb ka yahay diyaarinta ciidamada DF-ka si ay ammaanka dalka ugala wareegaan ciidamada AMISOM oo lafilayo in ay Soomaaliya ka baxaan wixii ka dambeeya sanadda 2020-ka.

Duullaanka gardaradda ah ee lagusoo qaaday shacabka Soomaaliyeed oo 12 sana jirsaday ayaa umuuqda mid dhabihii fashilka cagta saaray waxaana guul muuqata keeni waayay in kabadan 25-kun askari Afrikaan ah iyo kumanaan askari Itoobiyaan ah kuwaas oo dowladaha reergalbeedka ay doonayeen in ay ku qabsadaan dalka ayna ka hirgeliyeen maamullo gumeysi.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dagaal adag oo waqti dheer qaatay kula jirta isbaheysigan caalami ah walina xarakadu waxay hoggaanka uheysaa dagaalka oo iyada ayaa marka ay rabta weerar qaadda halka shisheeyuhu ay noqdeen kuwa difaacyo kasoo xirtay saldhigyada melleteri ee ay uga suganyihiin dalka.

Waa saldhiggii Afaraad oo quwadaha shisheeye ay ka furtaan dalka, dowladda Mareykanka ayaa horay saldhig weyn uga furatay garoonka Balidoogle,halka Turkiga uu saldhig melleteri ka furtay Muqdisho waxaana ku xigtay dowladda Imaaraataka Carabta oo saldhig ka furatay magaalada Berbera.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items