Qarax Gaari booyad ah looga gubay Maleeshiyaadka Bangaraafta oo ka dhacay Duleedka Ballidoogle.

Sunday June 09, 2019 - 15:14:06 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Gaari booyad ah looga gubay Maleeshiyaadka Bangaraafta oo ka dhacay Duleedka Ballidoogle.

    Wararka ka imaanaya Sh/Hoose ayaa sheegaya in qarax khasaara badan dhaliyay oo ka dhacay duleedka degmada Wanllaweyn oo ay ku xoogganyihiin maleeshiyaadka lagu tababaray garoonka diyaaradaha Balidoogle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Sh/Hoose ayaa sheegaya in qarax khasaara badan dhaliyay oo ka dhacay duleedka degmada Wanllaweyn oo ay ku xoogganyihiin maleeshiyaadka lagu tababaray garoonka diyaaradaha Balidoogle.

Ugu yaraan gaari booyad ah nuuca shidaalka xambaara ah ayaa lagu gubay  qaraxa oo ay wateen maleeshiyaadka Bangaraafta loo yaqaan ee Mareykanku tababaray.

Wararka ka imaanaya Sh/Hoose ayaa sheegaya in qaraxyo is xigxiga ay haleeleen kolonyo gaadiid ah oo ka yimid dhanka garoonka diyaaradaha Baligdoogle oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ka joogaan Soomaaliya.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa lala beegsaday kolonyada lagu burburiyay gaari booyad ah balse aan tirakoob rasmi ah laga heyn khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee gaaray maleeshiyaadka Bangaraafta loo yaqaan.

 

Goob joogayaal ayaa sheegay in goobta qaraxyadu ka dhaceen ay soo gaareen ciidamo farabadan kuwaas oo daabulay meydadkii iyo dhaawacyadii gaaray ciidamadii laweeraray, ma ahan markii ugu horraysay oo ciidamada huwanta ah qaraxyo lagula beegsado wadada laamiga ah ee xiriirisa degmooyinka Wanllaweyn iyo Afgooye.

Related Items