Mid Kamida Gobollada Wadanka Ciraaq oo noqday Meesha Ugu Kulul Caalamka.

Sunday June 09, 2019 - 17:17:42 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid Kamida Gobollada Wadanka Ciraaq oo noqday Meesha Ugu Kulul Caalamka.

    Gobolka Mesaan ee dhaca Koonfurta wadanka Ciraaq ayaa noqday gobolka ugu kulul caalamka kadib markii ay ku dhufteen dabeyllo kuleyl daran wata.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gobolka Mesaan ee dhaca Koonfurta wadanka Ciraaq ayaa noqday gobolka ugu kulul caalamka kadib markii ay ku dhufteen dabeyllo kuleyl daran wata.

 


Wararka ka imaanaya wadanka Ciraaq ayaa sheegaya in heer kulka gobolka Mesaan ay maalintii jimcaha gaartay 55. 6C° centigrade taas oo ka dhigan in uu yahay goobta ugu kulul caalamka.

Shabakadda Al Carab ee taxliilisa heer kulka mandiqadda Jaziiradda Carabta iyo Ciraaq ayaa sheegtay in Jimcihii lasoo dhaafay uu gobolkan noqday meesha ugu kulul caalamka balse ma aheyn kuleyl sii jiraya ee wuxuu ahaa saacado kooban.

Sanaddii 2016 gobolka Al Basra ee isla Koonfurta Ciraaq waxaa ku dhuftay mowjado kuleyl ah oo gaarayay darajada  53.9 centigrade, dadka saadaaliya arrimaha cimillada ayaa sheegaya in Kuleylka kajira Koonfurta Ciraaq uu saameyn ku leeyahay qiica iyo wasakhda ay hawada kusii daayaan warshadaha iyo goobaha shidaalka lagu sifeeyo.



Heer kulkii ugu darnaa caalamka ayaa lagasoo calaamadeeyay mandiqadda Alcaziiziya ee wadanka Liibiya sanaddii 1922 xilligaas oo kuleylku gaaray 58 darajo.

Wasaaradda deegaanka xukuumadda Ciraaq oo arrinka ka hadashay ayaa sheegtay in ay sameynayo baaritaanno dheeri ah oo ku aaddan sababta gobolka Mesaan uu unoqday meesha ugu kulul caalamka

Related Items