Melleteriga Suudaan oo Dad Shacab ah dilay iyo Shaqa Joojin guud oo lagu dhawaaqay.

Monday June 10, 2019 - 11:46:35 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Melleteriga Suudaan oo Dad Shacab ah dilay iyo Shaqa Joojin guud oo lagu dhawaaqay.

    Iska hor'imaadyo rabshado wata ayaa markale dib uga bilaawday wadanka Suudaan maalmo kadib markii ay ciidamada Melleteriga xasuuq ugeysteen dadka shacabka ah ee kacdoonnada wada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iska hor'imaadyo rabshado wata ayaa markale dib uga bilaawday wadanka Suudaan maalmo kadib markii ay ciidamada Melleteriga xasuuq ugeysteen dadka shacabka ah ee kacdoonnada wada.

Wararka ka imaanaya Suudaan ayaa sheegaya in ugu yaraan Afar qof ay dhinteen kadib markii ciidamada ammaanka ay weerareen fagaarayaasha iskusoo baxyada ee magaalooyinka Umu Durmaan iyo Al Khurduum.

Guddiga kooxaha kacdoonka ayaa war ay soo saareen ku sheegay in 2 qof lagu dilay magaalada Umu durmaan oo ah caasimadda 2aad ee dalka Suudaan halka laba kale lagu dilay magaalada Al Khurduum.

Dibad baxyo xooggan ayaa ka socda inta badan magaalooyinka wadanka Suudaan kadib markii kooxaha kacdoonka ay iclaamiyeen shaqa joojin guud oo saameyn ku yeelanaysa dhaqaalaha wadanka.


Hoggaamiyaasha kooxaha kacdoonka waxay sheegeen in shaqa joojintan madaniga ah ay qeyb ka tahay cadaadisyada ay saaraayaan golaha Melleteriga KMG ah ee talada wadanka Inqilaabka ku qabsaday si ugu dambeyn uu xukuumad madani ah xukunka ugu wareejiyo.

Suuqayada waaweyn ee wadanka Suudaan iyo waddooyinkii ciriiriga badnaa ayaa saacado gudahood isku bedelay kuwa haawanaya kadib markii ay shaqa joojintu bilaabatay.

Dabayaaqadii bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay ayay ciidamada Melleteriga ugu yaraan 117 qof shacab ah ku dileen afaafka hore ee taliska ciidanka qalabka sida ee magaalada Al Khurduum balse xasuuqaas ayaan joojin iskusoo baxyada maalinlaha ah noqday ee wadanka ka socda.

Related Items