Dhageyso: Beesha Garre oo ka hadashay duqeyntii uu Mareykanku ku dilay Ibraahim Cabdi Gaab.

Monday June 10, 2019 - 11:51:15 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Beesha Garre oo ka hadashay duqeyntii uu Mareykanku ku dilay Ibraahim Cabdi Gaab.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn dhowaan ay diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka ka geysteen deegaan katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caleema saarkii Ugaas Cabdullaahi Xaaji Axmed Max'med
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn dhowaan ay diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka ka geysteen deegaan katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxgaradka iyo salaadiinta beesha Garre ayaa kulan ay ku yeesheen degmada Tooratooroow waxay uga hadleen dilkii Ibraahim Cabdi Gaab oo kamid ahaa dalaalayda caanka ah ee deegaanka.

Macallin Xasanoow oo kamid ah Nabadoonnada Beesha Garre iyo Ugaaska beesha ayaa sheegay in diyaaradaha Mareykanka ay xasuuq ugeysanayaan dadka shacabka ah ee kunool Shabeellaha Hoose.

Waxay beeniyeen sheegashada ka timid dowladda Mareykanka ee ah in Ibraahim Cabdi Gaab uu kamid ahaa Xarakada Shabaabul Mujaahidiin, waxay sheegeen in ninka shacabka ah ee ladilay uu ahaa dalaal baabuureey ah islamarkaana caan ka ahaa Tooratooroow iyo hareeraheeda.


Halkan Guji si aad u dhageysato Waxgaradka Beesha Garre oo ka hadlay duqeymaha Mareykanka MP3

Hay'ado reergalbeed ah ayaa warbixinno ay soo saareen sanadkaan gudihiisa waxay kusoo bandhigeen qeyb yar oo kamid ah xasuuqa uu maamulka Trump ku hayo shacabka Soomaaliyeed.

Liibaan Jeexoow
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items