Ciidamo katirsanaa Dowladda Federaalka oo lagu dilay duleedyada Afgooye iyo Mahadaay.

Monday June 10, 2019 - 19:06:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo katirsanaa Dowladda Federaalka oo lagu dilay duleedyada Afgooye iyo Mahadaay.

    Weeraro khasaara lagu gaarsiiyay ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan labada shabeelle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraro khasaara lagu gaarsiiyay ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan labada shabeelle.

Wararka ka imaanaya duleedka degmada Afgooye ee Sh/Hoose ayaa sheegaya in weerar xooggan lagu qaaday goob ay isbaaro utiillay maleeshiyaadka Dowladda Federaalka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerarka lagu dilay ugu yaraan hal askari oo katirsanaa ciidamadii isbaaradu utiillay, wararka ayaa intaas ku daraya in xoogaga Al Shabaab ay goobta kasoo qaateen qori Ak47 ah iyo booshkiisa oo uu ku hubeysnaa askariga ladilay.

Weerar qarax ah oo maanta gelinkii dambe ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ayaa lala helay ciidamo katirsan kuwa loo yaqaan Bangaraafta ee Mareykanku tababaray, illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.


Dhinaca kale warar laga helay duleedka deegaanka Biya Cadde ee Sh/dhexe ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay mid kamida ciidamada maamulka isku magacaabay Hirshabelle.

Related Items