Weerar 95 qof lagu dilay oo ka dhacay Bartamaha Wadanka Maali.

Monday June 10, 2019 - 19:12:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar 95 qof lagu dilay oo ka dhacay Bartamaha Wadanka Maali.

    Ku dhowaad boqol qof oo shacab ah ayaa lagu dilay weerar cusub oo ka dhacay bartamaha Wadanka Maali ee dhaca galbeedka qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku dhowaad boqol qof oo shacab ah ayaa lagu dilay weerar cusub oo ka dhacay bartamaha Wadanka Maali ee dhaca galbeedka qaaradda Afrika.



Wararka ka imaanaya Maali ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay weerar xooggan ku qaadeen tuulada Soobaanko waxayna halkaas ku dileen ugu yaraan 95 qof oo ubadan rag sida uu wakaaladda wararka Faransiiska u sheegay mas'uul maxalli ah.

"Tuulo taabacsan Qabiilka Doogoon gabi ahaanba dhulka ayaa lala simay" sidaas waxaa yiri ilo wareed lahadlay wakaaladda wararka AFP.

Weerarkan ayaa loo malaynayaa in uu xiriir laleeyahay gummaad bishii Maarso ee lasoo dhaafay loo geystay xoola dhaqato katirsan qabiilka Alfulaan ee asalkoodu carabta yahay xilligaas oo ladilay 150 qof waxaana gummaadkii qabiilka Alfulaan lagu eedeeyay in ay mas'uul ka ahaayeen saraakiil katirsan dowladda Maali oo taageeri melleteri ufidiyay Ugaarsato kasoo jeedda qabiilka Doogoon.



Jamaacada Jihaadiga Ugargaaridda Islaamka iyo Muslimiinta ayaa isbaheysiga Faransiiska ee Maali ku duulay ku eedaysay in uu mas'uul ka yahay isku dhacyada u dhaxeeya qabaa'illada si uu shacabka uga mashquuliyo dagaalka lagula jiro gummeystaha soo duulay.

Related Items