Taliyihii Booliska Gobolka Hiiraan oo ku dhintay dagaal ka dhacay duleedka Beled Weyne.

Tuesday June 11, 2019 - 19:10:29 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyihii Booliska Gobolka Hiiraan oo ku dhintay dagaal ka dhacay duleedka Beled Weyne.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaad xooggan oo maanta gelinkii dambe duleedka magaalada Beled Weyne ku dhaxmaray maleeshiyaad kawada tirsan maamulka isku magacaabay Hirshabelle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaad xooggan oo maanta gelinkii dambe duleedka magaalada Beled Weyne ku dhaxmaray maleeshiyaad kawada tirsan maamulka isku magacaabay Hirshabelle.

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in iska hor'imaadka lagu dilay taliyihii booliska gobolka Hiiraan Gaashaanle Dhexe Maxamed Mocow, ilo wareedyo ayaa sheegaya in ay dagaallameen ciidamo Boolis ah iyo kuwa taabacsan Yuusuf Dabageed guddoomiyihii xilka laga qaaday.

Wararka ayaa intaas ku daraya in iska hor'imaadka lagu dhaawacay taliyaha booliska qeybta magaalada Beled Weyne ninka lagu magacaabo Bashiir Caddaani.

Xiisada colaadeed ayaa lagasoo sheegayaa magaalada Beled Weyn waxaana maanta gelinkii dambe soo baxay amar dhigaya in lasoo xiro Yuusuf Dabageed oo wali sheeganaya in uu yahay guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Related Items