Kooxda Xuuthiyiinta Oo Sawaariikh Casri ah ku duqeysay garoon kuyaal Wadanka Sacuudiga.

Wednesday June 12, 2019 - 12:09:44 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Xuuthiyiinta Oo Sawaariikh Casri ah ku duqeysay garoon kuyaal Wadanka Sacuudiga.

    Wararka ka imaanaya wadanka Sacuudiga ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ay markale duqeyn ku qaadeen mid kamida garoomada diyaaradaha caalamiga ah ee wadankaas ugu waaweyn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Sacuudiga ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ay markale duqeyn ku qaadeen mid kamida garoomada diyaaradaha caalamiga ah ee wadankaas ugu waaweyn.


Telefeshinka rasmiga ah ee Afka Xuuthiyiinta ku hadla ayaa baahiyay in saraawiikhda meelaha fog wax ka disha ee Kuruuzka loo yaqaan lagu garaacay garoonka caalamiga Abha oo dhaca Koonfurta dhulka Xarameynka ee Sacuudiga loo yaqaan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in burbur xooggan uu gaaray Burjiga muraaqabada garoonka ee laga hayo diyaaradaha kasoo degaya garoonka iyo kuwa ka haadaya, dhinaca kale dowladda Sacuudiga ayaa xaqiijisay in duqeyn khasaara dhalisay lagu qaaday garoonka Abha.


Afhayeen u hadlay Aala Sacuud ayaa sheegay in ugu yaraan 24 qof oo ahaa dadkii ku safrayay garoonka ay dhaawacyo soo gaareen, isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta ayaa si kulul ucambaareeyay weerarka Xuuthiyiinta ee garoonka Abha oo ay ku tilmaameen mid xadgudub ku ah diyaaradaha madaniga ah.

Shalay ayay sidaan oo kale Xuuthiyiintu uduqeeyeen garoon ay isticmaaleen ciidanka cirka Cirka Sacuudiga kaas oo kuyaal mandiqadda Khamiis Mashiid

Related Items