Al Shabaab Sheegatay Mas'uuliyadda Qarax ciidamada Kenya lagula beegsaday Gobolka Gaarisa.

Wednesday June 12, 2019 - 19:37:21 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Sheegatay Mas'uuliyadda Qarax ciidamada Kenya lagula beegsaday Gobolka Gaarisa.

    Weerar hor leh oo khasaara lagu gaarsiiyay ciidamada dowladda Kenya ayaa markale ka dhacay mid kamida deegaannada gobolka NFD ee gummeysiga ku jira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar hor leh oo khasaara lagu gaarsiiyay ciidamada dowladda Kenya ayaa markale ka dhacay mid kamida deegaannada gobolka NFD ee gummeysiga ku jira.

Wararka ka imaanaya Kenya ayaa sheegaya in qarax aad u xooggan uu shalay ka dhacay inta u dhaxaysa deegaannada Sedax goosa iyo Amuuma oo kawada tirsan gobolka Gaarisa.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegtay in qaraxa lala helay gaari dagaal nuuca loo yaqaan Kooyalka oo ay isticmaalaan ciidamada Booliska iyo Melleteriga Kenya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in gabi ahaanba uu burburay gaariga la qarxiyay waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday dhammaan ciidamadii la socday.

Weerarkan cusub ee ka dhacay gobolka NFD ayaa imaanaya maalin kadib markii ay dowladda Kenya ku dhawaaqday in ay xirtay xuduud beenaadka kala dhaxeeya Soomaaliya sababa dhanka ammaanka ah

Related Items