Maraakiib Shidaal oo ku gubatay Xeebaha Gacanka Cummaan.

Thursday June 13, 2019 - 11:14:18 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraakiib Shidaal oo ku gubatay Xeebaha Gacanka Cummaan.

    Wararka ka imaanaya mandiqadda bariga dhexe ayaa sheegaya in weeraro xooggan ay lakulmeen maraakiib ganacsi xilli ay ku safrayeen gacan biyoodka Cummaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya mandiqadda bariga dhexe ayaa sheegaya in weeraro xooggan ay lakulmeen maraakiib ganacsi xilli ay ku safrayeen gacan biyoodka Cummaan.


Wakaaladaha wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan laba Markab oo laga kala leeyahay wadamada Norway iyo Banama ay lakulmeen weerar sababay in uu dab qabsado haama shidaal ah oo ay sideen, qiic iyo Uuro Madoow aya cirka isku shareeray goobta weerarku ka dhacay oo ah khaliijka Cummaan.

Wakaaladda wararka ufaafisa dalka Iiraan ayaa sheegtay in ciidamada badda wadankaas ay soo bad baadiyeen 44 qof oo kamid ahaa shaqaalaha labada Markab ee weerarka lakulmay.


Warar soo baxay ayaa sheegaya in Maraakiibta laweeraray ay shidaal kasoo daabuleen dekadda magaalada Abu Dubai ee wadanka Imaaraatka carabta waxaana ka babanaya calamada Banama iyo Jaziiradaha Maarshal balse mid kamida maraakiibta milkiyadeeda waxaa leh Norway.

Taliska ciidanka Mareykanka ee ku sugan mandiqadda bariga dhexe ayaa xaqiijiyay in ay soo gaareen baaqyo kaalma weydiisasha ah balse aysan wali ka jawaabin, weerarkan wuxuu imaanaa bil kadib markii taageerayaasha iiraan ay afar Markab ku weerareen xeebaha wadanka Imaaraatka Carabta.

Xiisadaha u dhaxeeya Mareykanka iyo dowladda Iiraan ee ku aaddan isticmaalka marin biyoodka Hormuz ee istiraatiijiga ah ayaa laga yabaa in uu xiriir laleeyahay weeraradan lagu qaaday maraakiibta shidaalka ee ka dhacay gacan biyoodka Cummaan.

Related Items