Taliban oo dhu hor leh ka qabsatay Afghanistan iyo Sarkaal sare oo ay dishay [Sawirro].

Thursday June 13, 2019 - 21:23:22 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliban oo dhu hor leh ka qabsatay Afghanistan iyo Sarkaal sare oo ay dishay [Sawirro].

    Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in ciidamada Imaarada Islaamiga Afghanistan ay isku fidiyeen deegaanno hor leh oo katirsan gobollada wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in ciidamada Imaarada Islaamiga Afghanistan ay isku fidiyeen deegaanno hor leh oo katirsan gobollada wadankaasi.


24-kii saacadood ee lasoo dhaafay ayay xoogaga Jihaadiga Talibaan la wareegeen gacan ku heynta laba magaalo oo muhiim ah, war rasmi ah oo kasoo baxay Imaarada islaamiga ah ayaa lagu sheegay in ciidamada mujaahidiintu xureeyeen magaalo katirsan gobolka Zaabul ee Koonfurta dhaca.

Sidoo kale xoogaga Taliban waxay gacanta ciidamada dowladda dabadhilifka Afghanistan ka fara maroojiyeen degmo katirsan gobolka Takhaar.

Dhinaca kale howlgal gaar ah oo Taliban ay ka fulisay degmada Sayid Abaad ayay ku dishay sarkaal sare oo katirsanaa ciidanka cirka xukuumadda Kaabuul, Taliban waxay sheegtay in ay dishay sarkaal duuliye ah oo diyaarado ku xasuuqi jiray shacabka ku dhaqan gobolka Meydaan Wardak.


Sarkaalka ladilay oo lagu magacaabi jiray Nicmatullaah Nadari ayaa aqoonsiyadiisa gaarka ah iyo sawirkiisa lagu baahiyay baraha Internetka



Related Items