Al Shabaab Oo Askar Kenyaan ah kusoo qafaalatay Weerar ka dhacay Gobolka Wajeer.

Friday June 14, 2019 - 16:25:43 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 6 1
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Askar Kenyaan ah kusoo qafaalatay Weerar ka dhacay Gobolka Wajeer.

    Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa markale weerar qorshaysan ka fuliyay gudaha dhulka Soomaalida NFD ee gummeysiga Kenya kujira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa markale weerar qorshaysan ka fuliyay gudaha dhulka Soomaalida NFD ee gummeysiga Kenya kujira.


Wararka ka imaanaya gobolka Wajeer ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Kontonka oo hoos yimaad magaalada Wajeer.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka islamarkaana ay soo qafaasheen ciidamo katirsan booliska Kenya "Howlgal qorshaysan oo mujaahidiintu ay ka fuliyeen deegaan hoos yimaad magaalada Wajeer ayay ugu suurtagashay in ay la wareegaan gacan ku heynta deegaanka ayna soo qafaashaan ciidamo katirsan Booliska dowladda Saliibiyadda Kenya" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.


Wararka ayaa intaas ku daraya in xoogaga Al Shabaab ay gacanta kusoo dhigeen laba Mooto iyo agabyo kale oo ay lahaayeen ciidamada Booliska Kenya, weerarkan lagusoo qabtay ciidamada dowladda Kenya ayaa banaanka soo dhigaya awoodda Al Shabaab iyo taakdarida ciidamada gummeysiga Kenya.

Illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dowladda Kenya oo ku aaddan lawareegidda Al Shabaab ee deegaanka Kontonka iyo ciidamada lagasoo qafaashay.

Related Items