Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda dil magaalada Gaalkacyo loogu geystay Col.Cali Dhiif.

Saturday June 15, 2019 - 12:21:25 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda dil magaalada Gaalkacyo loogu geystay Col.Cali Dhiif.

    Howlgal gaar ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa lagu dilay mid kamida saraakiisha ugu sarraysa ciidamada sirdoonka maamulka isku magacaabay Galmudug ee arrimiya deegaanno katirsan Galguduud iyo Mudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgal gaar ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa lagu dilay mid kamida saraakiisha ugu sarraysa ciidamada sirdoonka maamulka isku magacaabay Galmudug ee arrimiya deegaanno katirsan Galguduud iyo Mudug.


Xoogag hubeysan oo katirsan Al Shabaab ayaa Koonfurta Gaalkacyo ku dilay Col. Cali Tahliil oo ku magac dheeraa (Cali Dhiif", wuxuu ahaa sarkaal katirsan ciidamada sirdoonka ee qaabka Ashahaadda ladirinimo u shaqeeya.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerarkan lagu dilay Col.Cali Tahliil oo ay ku sifaysay Murtad dambi ka galay shacabka gobolka Mudug.

Cali dhiif ayaa lagu xusuustaa kaalintii uu ku lahaa dagaalladii sanaddii 2016 ka dhacay deegaannada Garacad iyo Suuj isagoona xilligaas hoggaaminayay ciidamo katirsan Galmudug oo qaab dhagar ah dagaalka uga qeyb galay islamarkaana mas'uul ka ahaa xasuuq loo geystay dad badan.


Liibaan Jeexoow
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items