Qaraxyo Khasaara dhaliyay oo ka dhacay Qansaxdheere iyo Erygay lagu dilay Afgooye.

Sunday June 16, 2019 - 10:26:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo Khasaara dhaliyay oo ka dhacay Qansaxdheere iyo Erygay lagu dilay Afgooye.

    Qaraxyo khasaara dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay ayaa ciidamo katirsan maamulka Koonfur galbeed lagula beegsaday mid kamida degmooyinka gobolka Baay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaraxyo khasaara dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay ayaa ciidamo katirsan maamulka Koonfur galbeed lagula beegsaday mid kamida degmooyinka gobolka Baay.

Wararka ka imaanaya duleedka degmada Qansaxdheere ayaa sheegaya in laba qarax lagula beegsaday ciidamo katirsan maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed, qaraxa koowaad ayaa dhaliyay dhimashada 2 askari.

Daqiiqado kadib markii qaraxa koowaad uu dhacay ayaa qarax kale lala helay ciidamo kasoo gurmaday dhanka magaalada Qansaxdheere waxaana qaraxa labaad ku dhintay ugu yaraan laba askari.

Ciidamada dhintay qaarkood ayaa dhaawac ahaan ugu dhintay isbitaal ay ciidamada Xabashida Itoobiya ka dhax sameysteen saldhigga melleteri ee ay ka sameysteen Qansaxdheere.


Dhinaca kale xoogag hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa gudaha degmada Afgooye ku dilay mid kamida Ergadii waxkasoo xulay xildhibaannada baarlamaanka dowladda Federaalka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in rag hubeysan ay dileen nin lagu magacaabi jiray Maxamed Maxamed oo kamid ahaa Ergadii magaalada Baydhabo uga qeyb qaatay soo xulista xildhibaannada baarlamaanka ee lagasoo doortay dhanka maamulka Koonfur galbeed.

Liibaan Jeexoow
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items