Dagaallo dib uga qarxay deegaanka Bariire ee Sh/Hoose.

Monday June 17, 2019 - 12:24:56 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo dib uga qarxay deegaanka Bariire ee Sh/Hoose.

    Wararka ka imaanaya gobolka shabeellaha hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka dhaceen deegaanka Bariire oo hoos taga degmada Afgooye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka shabeellaha hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka dhaceen deegaanka Bariire oo hoos taga degmada Afgooye.

Dagaallada oo u dhaxeeya ciidamada Al Shabaab iyo maleeshiyaadka dowladda Federaalka ee Mareykanku tababaray ayaa maanta barqadii ka bilaawday meel ku dhow buundada deegaanka Bariire.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen hugunka rasaas xooggan oo labada dhinac is dhaafsanayaan, xoogaga Al Shabaab ayaa weeraro joogta ah ku haya ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo maleeshiyaadka dowladda tan iyo markii ay qabsadeen Bariire bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay.

Liibaan Jeexoow
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items