Q,Midoobay oo Cambaaraysay Weeraradii Askarta looga dilay Dowladda Kenya ee ka dhacay Wajeer.

Monday June 17, 2019 - 16:42:02 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Q,Midoobay oo Cambaaraysay Weeraradii Askarta looga dilay Dowladda Kenya ee ka dhacay Wajeer.

    Waxa loogu yeero Q.Midoobay ayaa walaac ballaaran ka muujisay howlgallada Jihaadiga ah ee Xarakada Al Shabaab ka waddo bariga qaaradda Afrika gaar ahaan Soomaaliya iyo Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa loogu yeero Q.Midoobay ayaa walaac ballaaran ka muujisay howlgallada Jihaadiga ah ee Xarakada Al Shabaab ka waddo bariga qaaradda Afrika gaar ahaan Soomaaliya iyo Kenya.


War saxaafadeed kasoo baxay Q.Midoobay oo uu ku saxiixnaa Afhayeenka Xoghayaha guud ninka lagu magacaabo Stephane Dujarric ayaa si kulul loogu cambaareeyay weeraradii ay laba maalin ka hor Al Shabaab ka fulisay gobolka Wajeer ayna ku dishay in kabadan 11 askari oo katirsan ciidanka Booliska Kenya.

Q.Midoobay waxay sheegtay in weeraradii is xigxigay ee Al Shabaab ka fuliyeen magaalada Muqdisho ay iyana muujinayaan sida uu ammaanka dalka Soomaaliya u yahay mid murugsan, Stephane Dujarric Afhayeenka UN-ka wuxuu wax laga xumaado ku sifeeyay qaraxyada iyo weerarada lagu dilayo ciidamada Kenya ee ka dhacaya gobollada Mandheera iyo Wajeer.


Dowladaha reergalbeedka iyo Ururo caalami ah ayaa dusha uritay dhaqaalaha ku baxaya duullaanka gardarra ah ee lagusoo qaaday dalka Soomaaliya waxaana muuqata in duulaankaasi uu fashil qarka usaaranyahay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items