Weerar lagu qaaday Saldhigga Booliska Howlwadaag iyo Ergay ladilay.

Monday June 17, 2019 - 16:46:31 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Weerar lagu qaaday Saldhigga Booliska Howlwadaag iyo Ergay ladilay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay mid kamida degmooyinka magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay mid kamida degmooyinka magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.


Xoogag hubeysan ayaa agagaarka saldhigga booliska degmada Howlwadaagn ku dilay mid kamida Ergadii wax kasoo xulay xildhibaannada baarlamaanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa lagasoo doortay dhanka maamulka isku magacaabay Hirshabelle.

Ninka ladilay oo magaciisa lagusoo gaabiyay Cali Xoodey ayay xoogag hubeysan qeybaha sare ee jirka kala heleen rasaas halkaas ayuuna ku qurbaxay, Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa durbadiiba sheegatay mas'uuliyadda weerarkan lagu dilay Ergayga wax kasoo xulay xildhibaannada.


Dhinaca kale xoogag hubeysan ayaa weerar Bambaanooyin ah ku qaaday isla saldhigga booliska degmada Howlwadaag waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidamadii laweeraray.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items