Kumuu Ahaa Max'med Mursi Madaxweynihii Masar ee geeriyooday? [Warbixin].

Monday June 17, 2019 - 19:21:42 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kumuu Ahaa Max'med Mursi Madaxweynihii Masar ee geeriyooday? [Warbixin].

    Telefeshinka rasmiga ah ee ku hadla afka xukuumadda dabadhilifka Masar ayaa ku dhawaaqay in uu geeriyooday Max'med Mursi oo mar soo noqday madaxweynaha dalka Masar balse markii dambe Inqilaab melleteriga talada looga tuuray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mursi ayaa noqday madaxweynaha rayidka Masar
Telefeshinka rasmiga ah ee ku hadla afka xukuumadda dabadhilifka Masar ayaa ku dhawaaqay in uu geeriyooday Max'med Mursi oo mar soo noqday madaxweynaha dalka Masar balse markii dambe Inqilaab melleteriga talada looga tuuray.

Sida ay baahisay warbaahinta rasmiga ah Mursi ayaa geeriyooday kadib markii uu miir daboolmay xilli lasoo taagi lahaa maxkamad kutaal magaalada Al Qaahira isaga iyo 25 katirsan hoggaamiyaashii Ururka Ikhwaanul Muslimiin.

Xeer ilaalinta nidaamka Alsiisi ayaa sheegtay in ay soo saari doonto warbixin rasmi ah oo ku saabsan sababta keentay geerida Mursi waxaana su'aalo laweydiinayaa dhaqaatiirtii qaabilsaneed arrimihiisa caafimaadka.

Max'med Mursi oo ka mid ahaa hoggaamiyaasha ugu caansan Ururka Ikhwaanka ayaa sanaddii 2012-dii noqday madaxweynaha dalka Masar kadib markii uu ku guuleystay doorashooyinkii madaxtinimada isagoona ahaa madaxweynihii ugu horreeyay rayid ah oo ay yeelato dowladda Masar.


Sanaddii 2013 ayaa Mursi jagada looga tuuray Inqilaab Melleteri oo uu hoggaaminayay Cabdi Fataax Alsiisi kadibna wuxuu xasuuq aan kala sooc laheyn ugeystay taageerayaashii iyo xubnihii Ururka Ikhwaanul Muslimiin.

Sanadii 1951 ayuu Mursi ku dhashay degmada Alcadwah ee muxaafadada Alsharqiyah ee dalka Masar todobaatameeyadii ayuu ku biiray Ururka Ikhwaanul Muslimiin oo xilligaas caan ku ahaa in uu ku kacdoomo maamulkii Jamaal Cabdi Naasir.

Mursi oo 68 sana jir ahaa ayaa muddo 6 sanadood xiriir ah wuxuu tacadiyo kula kulmayay xabsi ammaankiisa si aad ah loo adkeeyo sida ay sheegeen ehelladiisa iyo mas'uuliyiinta Ururka Ikhwaanul Muslimiin ee dibad joogga ah.

Related Items