Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka oo lagu dilay deegaan katirsan Sh/Hoose.

Tuesday June 18, 2019 - 08:13:22 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka oo lagu dilay deegaan katirsan Sh/Hoose.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo shalay deegaan katirsan gobolka Shabeellaha hoose ku dhaxmaray ciidamo huwan ah iyo xoogaga Shabaabul Mujaahidiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo shalay deegaan katirsan gobolka Shabeellaha hoose ku dhaxmaray ciidamo huwan ah iyo xoogaga Shabaabul Mujaahidiin.

Wararka ka imaanaya deegaanka Bariire ayaa sheegaya in dagaalkii cuslaa ee shalay ka dhacay banaanka magaalada ay ka dhasheen khasaara isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalka lagu dilay illaa 5 askari oo katirsan ciidamada dowaldda Federaalka ee Mareykanku tababaray, meydadka ciidamada dhintay ayaa lageeyay saldhigga ay ciidamada huwanta ah ku leeyihiin deegaanka Bariire.

Dagaalka ugu culus ayaa ka dhacay hareeraha buundada deegaanka Bariire, wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalkii shalay ay qeyb ka ahaayeen ciidamo katirsan AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda balse dhimashada kama badbaadin maleeshiyaadka dowladda.


Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xoogagga Al Shabaab ay dib uga gurteen goobta dgaaalka kadib markii ay ay khasaara gaarsiiyeen ciidamada huwanta ah ee xoogga ku jooga deegaanka Bariire.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items