Dilal ka dhacay Magaalada Kismaayo iyo Axmed Madoobe oo lagu Eedeeyay in uu shirqoollo u maleegayo Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah.

Tuesday June 18, 2019 - 08:24:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dilal ka dhacay Magaalada Kismaayo iyo Axmed Madoobe oo lagu Eedeeyay in uu shirqoollo u maleegayo Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah.

    Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dilal qorshaysan ay saacadihii lasoo dhaafay ka dhacayeen xaafado katisan magaaladaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dilal qorshaysan ay saacadihii lasoo dhaafay ka dhacayeen xaafado katisan magaaladaasi.

Goob joogayaal ayaa sheegay in kooxo hubeysan ay gudaha magaalada Kismaayo ku dileen mid kamida siyaasiyiinta deegaanka oo sanadadii lasoo dhaafay u dhowaa maamulka isku magacaabay Jubbaland.

Dablay hubeysan ayaa dishay Cabdu Qaadir Ibraahim Xasan oo kamid ahaa dadka ku jira siyaasadda waxaana falkaas dilka ah lagu tuhmayaa Axmed Madoobe oo maalmihii lasoo dhaafay shirqoollo u maleegayay dhammaan siyaasiyiinta ay isku hayaan doorashooyinka madaxtinimada maamulka.


Musharixiinta utaagan in ay Axmed Madoobe kula baratamaan doorashooyinka soo socda ayaa horay u sheegay in ay ka baqdin qabaan in dilal lagu beegsaday dhammaan siyaasiyiinta ku lugta leh siyaasadda maamulkan.

Waxgarad iyo siyaasiyiin ku sugan Kismaayo ayaa walaac ka muujiyay dilalka magaalada kasoo cusboonaaday waxayna ka digeen in Axmed Madoobe uu ku kaco falal uu isaga hor leexinayo siyaasiyiintii horay ulasoo shaqeysay balse ay isku qabteen qaabka loo maareynayo doorashooyinka soo socda.

Ninka lagu dilay Kismaayo ee lagu magacaabo Cabdu Qaadir Ibraahim Xasan ayuu Axmed Madoobe bilihii lasoo dhaafay uga shakisanaa in uu xiriir laleeyahay Farmaajo iyo Kheyre.

Maleeshiyaad farabadan oo daacad u ah hoggaamiyaha Jubbalanad ayaa shalay gelinkii dambe illaa iyo xalay dhaq dhaqaaqyo ka waday Kismaayo, dhinaca kale warar laga helay xaafadda Dalxiiska ayaa sheegaya in xalay halkaas lagu dilay laba qof.

Xiisadaha siyaasadeed ee kajira magaalada Kismaayo ayaan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonaan waxayna magaaladu laciir ciiraysaa ciidamo hubeysan oo kala taabacsan siyaasiyiinta xildoonka ah.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items