Video: Ururka Ikhwaanka Oo Sheegay in ladilay Max'med Mursi iyo Erdogaan oo dilaa ku tilmaamay Cabdi Fataax Alsiisi.

Tuesday June 18, 2019 - 08:45:06 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Video: Ururka Ikhwaanka Oo Sheegay in ladilay Max'med Mursi iyo Erdogaan oo dilaa ku tilmaamay Cabdi Fataax Alsiisi.

    Jawaab celinno kala duwan ayaa laga bixiyay dhimashada Max'med Mursi oo ahaa madaxweynihii hore ee dalka Masar balse Inqilaab melleri uu talada uga tuuray Cabdi Fataax Alsiisi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jawaab celinno kala duwan ayaa laga bixiyay dhimashada Max'med Mursi oo ahaa madaxweynihii hore ee dalka Masar balse Inqilaab melleri uu talada uga tuuray Cabdi Fataax Alsiisi.

Wiil uu dhalay Mursi ayaa sheegay in Meydka aabihii ay dhaqeen kadibna ay salaadda Janaazada kula tukadeen Masjid ku dhaxyaal xabsigii uu ku dhintay kadib markii loo diiday in lasiiyo Meydka.

Wuxuu sheegay in maamulayaasha Masar ay u diideen in lagusoo wareejiyo Meydka Mursi si ehelkiisu ay janaaso ugu sameeyaan, dhammaan qaraabada Max'med Mursi ayaa loo diiday in ay tagaan goobta uu ku dhintay.

Dhinaca kale Hoggaanka Ururka Ikhwaanka ayaa Cabdi Fataax Alsiisi ku eedeeyay in uu mas'uul ka haa dhimashada Mursi islamarkaana uu isagu dilay.


Sheekh Wajdi Alghuneym oo katirsan mas'uuliyiinta Ururka Ikhwaanul Muslimiin ayaa kalimad uu jeediyay ku sheegay in sirdoonka Masar ay si qarsoodi ah udileen Mursi xilli uu ku xirnaa xabsi amnigiisa si aad ah loo adkeeyo.

Ururka Ikhwaanka ayaa ku hanjabay in ay u aargudi doonaan Mursi oo ay ku tilmaameen hoggaamiye daacad ah oo xilka madaxtinimada ku qabtay doorashooyin shacab.


Halkan ka degso Video-ga ama hoos ka daawo



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items