Daawo Video: Beesha Baciidyahan Oo Magaalada Gaalkacyo uga dhawaaqday in ay qaadatay ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Tuesday June 18, 2019 - 12:22:36 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Video: Beesha Baciidyahan Oo Magaalada Gaalkacyo uga dhawaaqday in ay qaadatay ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

    Kadib kulan ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayay beesha Baciidyahan ku go'aamisay in ay qaadatay ku dhaqanka shareecada Islaamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib kulan ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayay beesha Baciidyahan ku go'aamisay in ay qaadatay ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Salaadiinta iyo Nabadoonnada beesha ayaa sheegay in shareecada islaamka oo kaliya ay isku xukumi doonaan ayna meel iska dhigeen dasaatiirta gacan ku sameyska ah oo ay ku dhaqmaan maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, beesha Baciidyahan oo degta gobollada Mudug,Bari illaa dhulka Soomaaligalbeed waxay ballan qaaday in ay dhaqan ay ka dhiganayso shareecada Islaamka.

Markii uu kulanku usoo idlaaday beesha Baciidyahan ayay ciidamo katirsan maamulka Puntland waxay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ka xireen qaar kamid ah culimaa'udiinkii iyo waxgaradkii kulanka qaatay ee iclaamiyay in ay shareecada islaamka isku maamulayaan.


Go'aankan geesinimada leh oo ay qaadatay beesha Baciidyahan ayaa imaanaya xilli falal dambiyeedyo aad looga naxo ay ka dhaceen magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe halkaas oo lagu kufsaday laguna dilay dumar soomaaliyeed.

Halkan ka degso Video-ga kulanka beesha Baciidyahan ama hoos ka Daawo


Related Items